Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Laamaha amniga Dowladda oo gubay khamri laga keenay Kenya iyo Itoobiya

Laamaha amniga Dowladda oo gubay khamri laga keenay Kenya iyo Itoobiya

Laamaha amniga ee Degmada Dolow ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa Maanta goob fagaare ah ku gubay Maandooriye farabadan oo isugu jiray khamri iyo xashiish la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo degmadaas.

Ciidanka Booliska iyo kuwa nabadasugida dowladda Federaalka ee Dolow ayaa ku guuleystay inay qabtaan maandooriyeyaasha oo la tilmaamay in laga kala soo gudbiyay dhinaca dalalka Kenya iyo Itoobiya gaar ahaan Mandheera iyo Dolo-Addo.

Taliyaha ciidanka Booliska Degmada Dolow Gashaanle Dhaxe Xuseen Aadan Dhaqan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in talaabo laga qaadi ah dadka doonayay in gudaha degmada soo geliyaan maandooriyeyaasha la qabtay.

Taliye Xuseen ayaa laamaha dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo faray inay soo qabtaan cid kasta oo isku dayda inay dalka soo geliso maandooriye, isla markaana laga soo gudbiyo dalalka deriska ee Kenya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Dolow ee dowladda Cali Faarax Mire ayaa u mahadceliyey laamaha amniga qeybahooda kala duwan ee ka hortegay maandooriyeyaasha isugu jiray khamri iyo xashiishka, waxaana goobta lagu gubaayay maandooriyaha ku sunaa Saraakiil Ciidan, Guddoomiyaha degmada iyo xubno kale

RELATED ARTICLES

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Madaxweynaha Galmudug oo laga codsadey inuu soo gudbiyo liiska musharaxiinta.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor u diray Codsi la xiriira soorashada Aqalka Sare ee...

Dawlada somaliland oo ka hadashey dilkii G.kuminshanka doorashooyinka Gobola Sool.

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaa ka hadlay Dil xalay gudaha Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool loogu geystay Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Somaliland ee...

Twitter Feed