Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka laamaha Amniga Hir-Shabeelle oo bilaabay fulinta Amar kasoo baxay Madaxweynaha

laamaha Amniga Hir-Shabeelle oo bilaabay fulinta Amar kasoo baxay Madaxweynaha

Ciidamada Booliska Dowlad Gobileed Hirshabeelle oo ay wehlinayeen, Ciidanka NISA , kuwa Guutada 3aad qeybta 27aad & kuwa ilaalada Madaxtooyada ayaa howlgallo waxaa ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle.

Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa mid looga hortagayay dadka isticmaalaya iyo kuwa Ganacsanaya waxyaabaha maanka dooriya, kaas oo uu amar ku bixiyay in laga hortago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Taliyaha Booliska degmada Jowhar Gaashaanle Dhexe Bashiir Xasan Xalafow ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid guri guri ah  lagu soo qabtay maandooriyaha Xashiishka & Khamriga oo lagu iibinayay Xaafadaha Magaalada Jowhar iyo dad ka Ganacsanayay.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray taliyaha in maandioriyaha kala duwan uu dhibaato ku haayo Bulshada gaar ahaan Dhalinyarada, isaga oo si cad u sheegay in dadka lagu soo qabtay maandooriyaha ay Maxkamad la tiigsan doonaan.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay laamaha Amniga howlgalka ay sameeyeen, wuxuuna ku booriyay inay laba jibaaraan, isaga oo sidoo kale Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka ka Ganacsanaya mukhaadaraadka.

Ka sokoow howlgalka laga sameeyay Magaalada Jowhar  ayaa waxaa Maalmihii la soo dhaafay  Ciidamada dowladda ay howlgallo ka dhan ah waxyaabaha maanka dooroya ka sameeynayeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...