Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Laftagareen oo Bulshada Waajid kala hadlay furitaanka wadooyinka u xiran Al-Shabaab

Laftagareen oo Bulshada Waajid kala hadlay furitaanka wadooyinka u xiran Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Cxalay kulan la qaatay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha oo degmada Waajid u tegay ka qeyb galka munaasabad lagu Caleema saarayo Guddoonka & Golaha degaanka degmadaas ayaa sii wadi doonada kulamada oo ah kuwo lagu ogaanayo xaaladaha kajirra degmada Waajid.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur galbeed Maxamed ayaa sheegay in kulanka uu Madaxweyne laftagareen Bulshada deggmada ka xog wareystay xaaladaha kajira degmada.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Waajid ay madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyeen baahiyaha dhinaca amniga iyo caqabadaha kale ee heysta & in Ciidamadii horay loo qarameeyay ee ku sugan degmada inay helaan xaquuqdooda.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur galbeed Maxamed ayaa sheegay in n kulanka diirada lagu saaray sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmada waajid, sigaar ah sidii loo furi lahaa wadada xiriirisa Magalada Baydhabo & degmada Waajid.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka Gobolkaas ee u go’doonsan Al-Shabaab, waxaana Bulshada ku nool degmadaas heysta dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca Nolosha ah.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed