Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka laftagareen oo la kulmay Guddiga taakuleynta dadkii laga soo musaafuriyay laas-Caanood

laftagareen oo la kulmay Guddiga taakuleynta dadkii laga soo musaafuriyay laas-Caanood

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Gudiga Taakulaynta dadka laga soo musaafuriyey Magaalada Laascaanood ee Maamulka Soomaliland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn warbixin ku saabsan waxyaabaha u qabsoomay ka dhagaystay Gudiga waxaana ay tilmaameen in waxbadan ay ku guuleysteen sida helida goobo ku meel gaar ah oo ay dejiyeen Barakaciyaasha ka warqabka Caafimaadkooda iyo Noloshooda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Umahadceliyey Gudiga.

“waxaan idinkaga mahadcelinayaa garab istaagaa aad u-muujiseen walaalaha laga soo musaafuriyey magaalada laascanood ee maamulka soomaliland dadaalka wadajirka aad geliseen waa mid mudan amaan iyo bogaadin, kan dowlad ahaan waxaa naga go’an in sida ugu dhow aan wax ugu qabano shacabka masakiinta ah ee sida qaabka daran loola soo dhaqmay inagoo kaashanayna dowlada federaalka iyo saaxibada beesha caalamka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa xusay in sida ugu dhow dadka lasoo Musaafuriyey Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool loogu samayn doono dib udejin iyo Weliba ka Warqab.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...