Lamaanahan oo u dhashay dalka India ayaa arooskooda uu ka dhacay hawada sare, ka dib markii ay diyaarad kireysteen, iyagoo markaasi ka baxsanaya awaamiirta ay dowladda dalkaasi ku xakameynayso faafitaanka xanuunka COVID-19.
Awaamiirta ay horaan soo rogtay Xukuumadda Delhi ayaa dhigayay inaanay konton qof ka badan ka qaybgeli karin xafladaha aroosyada, balse arooskan ka dhex dhacay diyaaradda SpiceJet ayaa waxaa ka qaybgalay boqol iyo lixdan qof.
Maamulka Duulista Rayidka ee India ayaa amar ku bixiyay in la baaro dhacdadaasi, haddii Gobolka Tamil Nadu oo ay ka ambabaxeen uu ka dhaqangalay sharciga adag ee lagula dagaalamayo COVID-19.
Lamaanahan oo iska abaabulay Magaalada Madurai ee Gobolka Tamil Nadu ayuu laba saac qaatay arooskoodan ka dhacay hawada sare.
Warbaahinta dunida ayaa ka faalloonaysa dhacdada toddobaadkan loogu hadalhaynta badan yahay dalkaasi India.