Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka L’Equipe oo daaha ka rogtay mushaharka uu Lionel Messi ka qaadan doono...

L’Equipe oo daaha ka rogtay mushaharka uu Lionel Messi ka qaadan doono naadiga Paris Saint-Germain haddii uu si rasmi ah ugu biiro

Warbaahinta qaaradda Yurub ayaa isku raacsan inuu Lionel Messi ku biiri karo kooxda Paris Saint-Germain isla markaasna uu si aanan la wada shaacin u aqbalay qandaraas labo sano ah oo ay usoo bandhigtay kooxda reer France.

Messi ayaa lagu soo warramayaa inuu toddobaadkii ka qaadan doono PSG mushahar dhan 769 kun oo euro taasoo la micno ah 40 milyan oo euro inuu sanadkii qaadan doono sida ay baahisay majaladda L’Equipe.

Haddii uu kabtanka xulka qaranka Argentina baaqi kusii ahaado PSG saddex sano, waxa uu wadar ahaan jeebka ku ridan doonaa 120 milyan oo euro canshuurta kaddib iyadoo tiradaas aysan ku jiran gunnooyinka ku xiran qaab ciyaareedkiisa iyo guulaha, taasoo suuro gal ka dhigi karta inuu 150 milyan oo euro faraqa ku shubto haddii uu saddex sano sii joogo Paris.

Dhinaca kale, Sports Witness ayaa baahisay inay kooxda Ligue 1 ciyaarta ay maanka ku heyso inuu 34-sano jirkan soo jiidi doono lammaanayaal dhaqaale oo la midooba PSG kuwaasoo macaash fara badan laga heli karo.

RELATED ARTICLES

Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.Diyaaradaas oo wada...

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Twitter Feed