Wednesday, September 22, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada Maamulihii TikTok ka faa’iiday $44 bilyan oo dollar oo shaqada iska...

Maamulihii TikTok ka faa’iiday $44 bilyan oo dollar oo shaqada iska casilay

Mid ka mid ah aasaaseyaasha TikTok ayaa iska casilay xilkii Agaasimaha Guud ee uu ka hayay ByteDance oo ah sirkadda maamusha TikTok, wuxuuna sababta uga dhigay in uu qoyskiisa la noolaado iyo in uu riyo-maalmeed iska galo.

Ninkan bilyaneerka ah, Zhang Yiming, oo 38 sano jir ah, wuxuu shaaciyay in uusan lahayn xirfadda maamul-wanaagga, taana ay ka mid tahay sababaha uu isu casilay.

Wuxuu intaa ku daray in uu jecel yahay “wax akhrinta iyo riyo-maalmeedka”  halkii uu maamuli lahaa shirkad isgaarsiin.

Sida lagu daabacay Bloomberg, wuxuu ninkan helayaa faa’iido gaareysa $44.5 bilyan oo dollar, wuxuuna sidaa ku noqonayaa qofka 31 ee ugu taajirsan caalamka.

Isniintii, Zhang wuxuu shaaciyay in warqadda uu isku casilay ku muujiyay in uusan lahayn xirfad wanaagsan oo dhanka maamulka ah.

“Runta waxay tahay in aana lahayn xirfadda hoggaminta iyo maamulka wanaagsan. Sidoo kale, waxaan jeclahay in aan keligey ahaado oo shaqeeyo, buugaag akhriyo oo maalintii aan ku riyoodo waxyaabaha dhici kara”, ayuu yiri.

Zhang Yiming, wuxuu xilka banneyn doonaa dhammaadka sannadkan, wuxuuna diiyaradda saari doonaa nolosha keligii ah.

RELATED ARTICLES

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bananbax Uu Iclaamiyay WasiirKa Cusub Ee Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda SoomaaliyaAbdulaahi Maxamed nuurWasiirka Amniga ee uu dhawaan ...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciid oo kuyaal gobolka gedo

xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa lagu soo waramayaan in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihiin degmada...

Xaaska M/weyne Erdogan oo shaacisey inaanay weligeed u ooyin siday u oyday markay Somalia Tagtay

Marwada koowaad ee Turkiga, Emine ErdoganEmine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku...

Twitter Feed