Maamulka Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa uu si kulul uga hadlay Dhacdooyin muddoyinkii dambe la sheegay inay ka dhaceen gudaha degmada islamarkaasna soo laablaabtay Taas oo ku sabsan in dhalinyaro ay jecel dartii sun ugu cabeen Degmada Guriceel
Waxaana Maamulka uu sheegay in waxba aysan ka jirin dhacdooyinkaas ayna si deg deg ah wax uga qaban doonan dhaliyarada caan doon ka ah ee falkaasi ku kacayaa
Gudomiyaha Dagmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin Oo Shirjaraaid ku Qabtay Xarunta Dagmada ayaa waxa uu Amar Kasoo Saaray Falalka la xariira sun Cabista
Waxaana uu sheegay in arintaan ay tahay mid lagu sumcad dilayo Degmada aysan aqbalayn
Waxaana uu laamaha amniga faray in gacanta lagu soo dhigo qofkasta oo falkaas sameeya iyo cidkasta oo baahinsa
Dhalinyarada Falkaan sameeynaya ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa Degmada u dhashay oo soo aaday dhankaagaalada Muqdisho ee caasimada Dalka iyagoo falkaan u sameeynayaan in ay ku caanbaxaan darteen
Maalmihii aan kasoo gudubnay ayaa waxaa isisoo tarayay dhalinyaro badan oo la sheegay in ay isjeclaanyeen islamarkaasna kaasi ay marki jecelkii usuuro galiwaayay ay sun ku cabeen Degmada Guriceel