Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay Haaman kusoo caariyay Xeebta Cadalle

Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay Haaman kusoo caariyay Xeebta Cadalle

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowlad Goboleedka Hir-Sabeelle ayaa ka hadashay Haaman kusoo caariyey Xeebta Degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamulka Hir-Shabeelle Xuseen Maxamuud Turyare ayaa ka digay Dhibaatooyinka ka dhalan kara Haamankaasi, isaga oo  Shacabka Degmada Cadalle ugu baaqay in ay ka fogaadaan inta laga hubinayo Qataraha ka dhalankara Haamankaas.

Wasiirka ayaa Cambaareeyey Maraakiibta Shishiiye ee waxyeelada u geysanaya Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhowr jeer oo hore sidaan oo kale Haaman kuso caariyeen Xeebta Ceel Macaan.

RELATED ARTICLES

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeyn cirka ah ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee Lubnaan ka dib markii maalintii labaad gantaal laga soo...

Twitter Feed