Maamulka Jubbaland oo Sheegtay inay la wareegtay aagga Raaskambooni

Maamulka Jubbaland, oo Sheegtay inay la wareegtay aagga Raaskambooni,

0
6

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa guul wayn ka sheegatay dagaal ay saaka ciidamadeeda la galeen kuwa dowladda federaalka ee dhowaan la geeyay agga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda, balse ay ka hortageen

daraawiishtooda, sida ay hadalka u dhigta. Sidoo kale Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in jab xoogan ay gaarsiisay ciidamada federalka, balse ma caddeyn inta uu la’eg yahay khasaaraha rasmiga ah. “Dowladda Jubaland ee ku sugnaa duleedka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose

ayaa maanta waxaa weerar kusoo qaaday Maleeshiyada uu kusoo daadgureeyay Eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud. Ciidamada Dowladda Jubaland oo ku jira dadaaladooda is difaacista ah ayaa jab xoog Leh u gaystay maleeshiyada xamar laga soo daadgureeyay iyado

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here