Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka Macallinka cusub ee Barcelona, Xavi Hernández oo labo xiddig ka doonaya Kooxda...

Macallinka cusub ee Barcelona, Xavi Hernández oo labo xiddig ka doonaya Kooxda reer England ee Chelsea… (Booskee ayay ka ciyaaraan?)

Tababaraha cusub ee Barcelona Xavi ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu sanadka soo socda keeno garoonka Camp Nou daafacyada naadiga Chelsea Cesar Azpilicueta iyo Andreas Christensen.

Labadaan xiddig ayaa heshiisyadooda kooxda ka dhisan Magaalada London waxa ay ku eg yihiin dhammaadka xilli ciyaareedkan 2021-22, inkastoo warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in Azpilicueta uu qarka u saaran yahay inuu qalinka ku duugo heshiis kordhin hal sano ah oo uu ku sii joogayo Blues.

Wadahalka heshiiska cusub ee Christensen ayaa u muuqda mid burburay, iyadoo kooxda heysata Champions League ay ku dhibtoonayaan inay heshiis la gaaraan xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark.

Suxufiga Gerard Romero ayaa warinaya in Azpilicueta iyo Christensen labadoodaba loo arko bartilmaameedyada koowaad ee kooxda Barcelona, iyadoo labaddan daafac ay suurtagal tahay in lagu heli karo beeca xorta ah.

Barcelona ayaa qorshaynaysa inay firfircooni la soo baxdo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo, laakiin waxa ay u baahan doontaa in ay hal abuur ku samayso suuqa, maadaama ay jirto dhibaato dhaqaale oo si joogto ah u haysata kooxda.

Kooxda reer Catalan ayaa sidoo kale la la xiriirinayay Weeraryahanka Chelsea ee Hakim Ziyech, iyadoo kooxdu ay dooneyso inay kor u qaaddo doorkeeda weerarkeeda qeybta labaad ee xilli ciyaareedka 2021-22, laakiin haatan waxa ay xooggeeda isugu geyn doontaa sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd labadaan daafac.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...