Thursday, May 6, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Dunida MADAXWAYNAHA DALKA MASAR OO SI ADAG UGA HADLAY ARINTA BIYO XIDHEENKA UNA...

MADAXWAYNAHA DALKA MASAR OO SI ADAG UGA HADLAY ARINTA BIYO XIDHEENKA UNA DIGAY ITOOBIYA.

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al Sisi ayaa ka digay wax uu ku Tilmaamay ‘cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta’ haddii biyo xidheenka ay Itoobiya ka dhisayso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha gaadha dalkiisa masar.
“Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dibic kamid ah biyaha Masar , haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin” ayuu yidhi madaxweyne Sisi. Madaxweyne Masar oo ka hadlayay marinka Suez waxa uu sheegay in lasii wadi doono wadahadallada kala dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xidheenka Itoobiya.

“Ma jirto cid aan u goodinayo, wadahadalladeena waa kuwo mar kasta macquul ah”. Itoobiya waxay sheegtay inay sii wadeyso buuxinta biyo xidheenka marka ay roobabka bilawdaan halka Masar iyo Suudaan ay doonayaan in wadahadal lagu soo afjaro murankaasi.”

By:Jim’ale ismail

RELATED ARTICLES

Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen Xubin ka tirsanaa Xisbiga Dan Qaran oo uu hoggamiyaha ka yahay Musharax...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii...

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ka howlgal Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka...

Facebook Feed

Twitter Feed