Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Muxuu Axmed Madobe Kala Hadlay Guddiyadda Loo Xil-Saaray...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Muxuu Axmed Madobe Kala Hadlay Guddiyadda Loo Xil-Saaray Doorashada

dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer federaal & midka maamulkaasi, isagoo kala hadlay doorashada.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), waxaana intii uu socday shirkan diirada lagu saaray shaqooyinka labada guddi.

Ugu horreyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa warbixin ka dhageysatay guddiyadan, taas oo la xiriirta duruufaha iyo marxaladaha shaqo ee ay ku jiraan iyo sida ay ilaa hadda shaqadu u socoto.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ay u dhici doonto qaab hufnaan leh oo xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale wuxuu ku amaanay guddiyada doorashooyinka ee haatan diyaar garowga wda shaqooyinka u qabsoomay maalmihii lasoo dhaafay ee la xiriira qabashada doorashada.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jubbaland ayaa kula dardaarmay xubnaha guddiyada doorashooyinka heer federaalka iyo kan maamulkaasi inay laba jibaaraan dadaalladooda, si markaasi loo guda-galo qabashada doorashada xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Hoggaamiyayaasha gobollada Soomaaliya ayaa ku boorriyay in la joojiyo loolanka awoodda

Hoggaamiyeyaasha gobollada Soomaaliya ayaa ka codsaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay soo afjaraan khilaafkooda waxyeellada leh, iyagoo ka digay khatarta ka dhalan karta xasillooni...

Twitter Feed