Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo saaraysa go’aamo...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo saaraysa go’aamo la xariira xakameynta Karoonaha

Fadhigii 72aad ee golaha wasiirrada  Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo ku qabsoomay habka Maqalka iyo Muuqaalka ah ee (Video Conference), ayaa warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta iyo Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland.

Ugu horray wasiirka horumarinta Caafimaadka, ayaa golaha uga war-bixiyey Xaaladda xannuunka Covid 19 ee dalka oo wakhtigan soo laba kacleeyey, isagoo sharaxay kor u kaca xannuunkaaas  ee bilaha Jeeniweri ilaa Maaraj ee 2021, inta la baadhay bulshada. Waxaanay u kala saaray wasiirku sidan:-

Bilaha Sannadka Inta qof ee La Baadhay Inta qof ee laga helay Inta Dhimatay

Jeeniweri 4,339 59 2

Feebarweri 5,059 232 13

Maaraj 4,055 607 29

Sannadkan 2021 13,453 898 44

Goluhu waxa uu mar kale isla qaatay in taxaddirkii la xoojiyo, lana raaco tilmaaha Wasaarada horumarinta caafimaadka ee ay ugu mihiimsan yihiin, kala fogaanshaha, xidhashada af-saabka iyo faraxalka. Dhawaanna ay go’aamo soo saari-doonaan guddida heer qaran ee ka hortagga xanuunka covid 19.

Dhinaca kale,  wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Golaha uga war-bixiyey Xaaladda Abaaraha ee dalku ku sugan yahay hadda, ayaa tilmaamay guud ahaan in biyo la gaadhsiiyey 130(saddex boqol iyo Soddon) Tuullo, kuwaasoo loo qaybiyey 37,800 (Toddoba iyo soddon kun iyo siddeed boqol) oo foosto.

Tuulooyinka ugu daran ee biyo la’aantu ka jirto ee Xukuumaddu biyaha gaadhsiisay waxa ay ka tirsan yihiin Gobollada kala ah: Gobolka Togdheer, Gobolka Saraar, Gobolka Sool, Gobolka Sanaag, gaaar ahaan (Ceel-af-weyn iyo Gar-adag, Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan (Cadaadlay iyo Sallaxlay).

Ugu danbayntiina waxa goluhu warbixin ka dhegeystay wasiirka Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska oo golaha faah-faahin ka siiyey Shidaalka qaaliyoobay maalmihii u danbeeyey.

Warbixinta ka dibna, wasiirka waxa loo xilsaaray; in uu ka hawl-galo sidii bulshadu u heli lahayd shidaal jaban, maadaama wakhtigan ay abaaro ba’ani ka jiraan deegaanno badan oo Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ah.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...