Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo goordhow furaya Kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka

0
136

Goordbow ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) in uu furo Kal-fadhiga 4aad  ee Baarlamaanla KGS oo ka qabsoomaya Magaalada Baydhabo.

Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goobjoog ka noqonaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya igo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa munaasabadda ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka Maamulkiisa iyo arrimaha doorashada Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa Maanta aad loo adkeeyay, iyada oo waddooyinka Magaalada lagu arkayo Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo amniga xaqiijinaya.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here