Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddi u saaray dilkii Carruurta



Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magacaabay Guddiga baaris kumeel gaar ah oo natiijo dhab ah ka keena kiiska Carruurtii Walaalaha ahaa ee lagu dilay Magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu yiri” Markuu texgaliyey: Muhiimadda ay leedahay in xal kama dambees ah laga gaaro dilka
labada caruur uu Magacaabay  Guddi baaris kumeel-gaar ah, kuwaas oo kala ah.

1 Wasiir Maxamed Xuseen Xasan Gudoomiye
2 Wasiir Salax Shariif sayid Cali
Xubin
3. Aadan Cabdulaahi Macalin (Haji Eney)
Xubin
4 Malaq Cali Malaq Xasan Cali Qataar
Xubin
5 Maxamed Sheikh Adan (Bilow)
Xubin
6. Prof Abdisalam Ahmed Malla
Xubin
7. G/Dhexe Maxamed Xuseen Axmed
Xubin
7. Gashanle Ibraahim Cabdulle C/ raxaman
Xubin
9. Gashanle Muse Maxamed Xasan
Xubin

8-dii Bishii Apriil ayaa meydka labada Carruurta ah oo uu dhalay Xildhibaan hore Macalin Aweys Cabdullaahi oo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana Maamulka Koonfur Galbeed uu u qabtay falkaas lix ruux oo dhawaan Maxkamad lahor keeni doono.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...