Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magalada Baydhabo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Magalada Baydhabo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib safar shaqo oo maalmo qaatay uu ku joogay Muqdisho iyo dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonto.

Sidoo kale inta uu ku sugnaa Caasimadda Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona ka wada hadlay fulinta heshiiskii laga garey doorashada iyo xaaladda guud ee deegaanada maamulkiisa.

Mas’uuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed