Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho



Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafatagareen ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga oo ka yimid Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeet ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee looga hadlayo Arrimaha doorashoiyinka, kaas oo ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa si ay shirka uga qeyb galaan inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha, Jubbaland, Puntland iyo Hir-Shabeelle.



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...