Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweynaha laftagareen & Boqor Buur madow oo ka wada hadlay dadkii...

Madaxweynaha laftagareen & Boqor Buur madow oo ka wada hadlay dadkii laga soo musaafuriyay laas-caanood

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Boqor Cusmaan Abuu Maxamuud (Buurmadoow) oo kamid ah Duubabka Dhaqanka Sonaliland ee maalmihii la soo dhaafay ku sugan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Boqor Buurmadoow ayaa ka wada hadlay Dhibaatadii Maamulka Soomaliland ay u geysteen Shacabka kasoo jeeday deeganada Koonfur Galbeed ee ku noolaa Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

Kulanka ayaa waxaa wararka la helay ay sheegayaan in Boqor Buurmadow uu Madaxda Koonfur Galbeed ka raali geliyay dadkii Somaliland kasoo musaafurisay Magaalada laas-caanood.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u mahad celiyay Boqor Buurmadow sida uu u gartay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin walaalo meel kasta ku wada noolaan kara.

Boqor Buur madoow ayaa dhawaan isaga oo hadal ka jeedinahay kulan ka dhacay Muqdisho ka sheegay in uu tegi doono Magaalads Baydhabo, isla markaana uu raali gelin siin doono Bulshada Koonfur Galbeed.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...