Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Madaxweynaha oo shacabka uga warbixiyay arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha oo shacabka uga warbixiyay arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xaliy si toos ah ula hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa uga booga-dhayey walaac xoogan, ee ay ka qabaan xaaladaha taagan, doorashada iyo mustaqbalka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay sida ay uga go’an tahay dowladda in dalkan ay ka dhacdo doorasho ka tarjumeysa kobaca dimoqraadiyadeed iyo horumarka ay higsanayaan shacabka Soomaaliyeed, balse ay caqabaddu noqotay fara-gelin shisheeye iyo gacmo guracan oo doonaya burburinta dalka iyo kala qeybinta shacabka.

“Anagu ka dowlad ahaan, waxaan diyaar u ahayn in la qabto doorasho aan shuruudi ku xirnayn oo saldhigeedu yahay heshiisyadii horey loo gaaray ee 17-ka September 2020 iyo talabixintii Guddiyada Farsamada ay ku gaareen Magaalada Baydhabo 16-kii February 2021.”

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalada nabadeed ee Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, isaga oo soo dhaweeyey baaqyadii ay ka soo saareen arrimaha doorashooyinka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxay xaliy kala ogaanayaan cidda ka shaqeynaysa in aysan doorasho dhicin, dowladnimada la burburiyo iyo cidda u hiilineysa nabadda, qaranimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.”

May be an image of 1 person and standing

Madaxweynaha ayaa yiri “Maadaama aan ahay ilaaliyaha dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheelitiro heshiiska siyaasadeed ee horey loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in la joojiyo wax kasta oo dalka u horseedi kara xasillooni darro, isaga oo faray hay’adaha amniga in ay ilaaliyaan xasiloonida Caasimadda Muqdisho iyo bedqabka shacabka birimageedada ah, lagana fogaado wax kasta oo dhalin kara qalqal amni, shacabka Soomaaliyeedna ay arrintaas ku garab siiyaan Ciidamada Qalabka Sida.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...