Madaxweynaha Puntland oo maanta hortagaya Baarlamaanka

0
170

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu wadaa inuu hortaggo Baarlamaanka Puntland, si uu warbixin uga siiyo xaaladda dalku marayo.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland, Jaamac Yuusuf Jaamac (Deberani) ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Baarlamaanka la yeelan doono wadatashi ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

“Madaxweyne Deni wuxuu hortaggi doonnaa Barlamanka Puntland, si uu ula yeesho wadatashiyo ku saabsan xaalada dalku marayo.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenku waxa kaloo uu sheegay in wadatashiyadaasi ka dib ay Puntland war ka soo saari doonto mowqifkeeda ku aaddan muddo kordhinta labada sano ah ee Hay’adaha Dowladda Federaalka.

“Wadatashiyada ka dib Puntland waxay war ka soo saari doontaa mowqifkeeda ku aaddan muddo kordhinta sharci darada ah, ee uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo.” Ayuu yiri Jaamac Deberani.

Sharciga gaarka ah ee Isniintii Golaha Shacabka meelmariyeen ayaa dabka ku sii shiday xiisaddii siyaasadeed ee dalka ka jirtay, billihii ugu dambeeyay

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here