Magaalada marka ee gobolka shabellada hoose ayaa Saakay wararka ka imaanaya halkaasi ku waramayaan in ay ka jirto xiisad colaad oo xoogan una dhaxeyso laba maleeshiyo beeled oo halkaasi wada Deggo.
Maleeshiyaadka ayaa iska dilay saacadihii lasoo dhaafay inta la xaqiijiyay saddex ruux halka la dhaawacay in ka badan laba Ruux.
Sida dadka degaanka wardeeqnews ushegeen Xiisadda halkaasi ka taagan ayaa timid ka gadaal markii maalin ka hor la dilay askari ka tirsanaa nabad sugidda soomaaliya kaas oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Xaankeey dilkiisa kaddibna qoriga laga qaatay sida dadka deegaanka ay sheegeen.
Dadka Degaanka ayaa sidoo kale kusoo waramay in Arintan ay Salka ku heysa Isqab qabsi dhul kaa oo Ku yaalo Deegaanka Ceeljaale.
Dhanka kale Maamulka Magaalada Marka Ayaan wali ka hadlin dhacdooyinkan Magaalada ka soo kordhay, waxaase marar badan Marka ka dhacay Dagaalo khasaaro dhaliyay oo u dhaxeeyo Labo maleeshiyo beeleed.