Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Magalada Muqdisho-Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Dhisme Ku Soo Dumay Shaqaale  Dhisayay+

Magalada Muqdisho-Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Dhisme Ku Soo Dumay Shaqaale  Dhisayay+

Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii Shaqaale  dhisayay uu kusoo dumay Guri kuyaal Agagaarka Isgoyska Sooble ee Waaxda degmada Wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ee Gobolka Banaadir oo tegay Goobta ayaa ka qeyb qaatay gurmadka loo sameeynayay dadka uu ku dumay darbiga Guriga, waxaana goobta laga qaaday dhaawaca Afar ruux oo Shaqaalaha kamid ahaa.

Guddoomiyaha Waaxda 1aad  Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir Cabdirisaaq Cali Yuusuf & Agaasimaha Gurmadka deg dega ah ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegeen inay ku guuleysteen in la soo badbaadiyo dadka dhismaha uu ku dumay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay xireen Milkiilaha Goobta dhismaha uu ka socday oo ah goob loo diyaarinayay Suuq, sidoo kalena la baadi goobayo hal qof oo lagu la’yahay dhismaha hoostiisa.

Mararka qaar ayaa waxaa sidaan oo kale uu dhismo ugu soo dumaa Shaqaale dhisaya, kuwaas oo ku noqda dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale ay ku burburto hanti  farabadan.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...