Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukun dil ah ku ridday illaa shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay maxkamaddu sheegtay in dhamaan raggaasi lagu helay dambigii lagu soo oogay.
Maxkamadeynta raggan oo ay Puntland sheegtay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa ka dhacday magaalada Gaalkacyo, taas oo socotay labadii cisho ee lasoo dhaafay.
Xubnaha la xukumay ayaa kala ah:- Maxamed Xaashi Mu’min (Abu-dayib), Cabdulqaadir Axmed Ummal (Abu-Cabdalla), Maxamed Cali Cawke (Jeeri), Maxamed Cabdullaahi Ayaanle(Abbeyle) iyo Qaasim Jaylaani Al-turaabi.
Sidoo kale maxkamadda ayaa sii deysay illaa afar ruux oo ay shaacisay in lagu waayey dacwaddii lagu soo oogay oo aheyd inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.
Bishii hore ee April ayey aheyd markii maxkamadda ciidamada Puntland ay xukun adag sidan oo kale ugu ridday shan xubnood oo ka tirsanaa dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyey weeraro iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay deegaanada maamulkaasi.
Si kastaba dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya magaalooyinka waa-weyn ee Puntland.