Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Mareykanka oo Ciidamadiisa dib ugu soo celinaya Soomaaliya

Mareykanka oo Ciidamadiisa dib ugu soo celinaya Soomaaliya

Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ka fiirsaneysa inay u kusoo celiyaan ciidamada Mareykanka Soomaaliya lix bilood uun ka dib markii ay dhamaantood ka wada baxeen dalka iyadoo qeyb ka ah aragtida guud ee milateriga.

Bishii Diseembar, Madaxweynihii xilligaas ee Donald J. Trump wuxuu amar ku bixiyey in ciidammadu ka baxaan Soomaaliya taasoo qayb ka ah dadabballada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu dhimo tirada ciidamada la keenay Soomaaliya. Tan iyo waqtigaas, ciidamada Mareykanka waxay hayeen shaqo, iyaga oo  tegay dalalka deeiska la ah Soomaaliya, waxaana ay u tababareen Ciidamo farabadan.

Taliyaha AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend, oo ka hadlaya 29-ka Juun intii lagu gudajiray Xarunta Istiraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ee EU ee Golaha Difaaca Washington, wuxuu sheegay in Pentagon-ka ee uu madaxweynaha ka yahay Joe Biden ay ku jiraan marxaladihii ugu dambeeyay ee beddelka booska ciidanka ee gobolka.

“Waxaan horay iyo gadaalba ula soo xiriiri jiray hogaamiyeyaashayda rayidka ah ee Wasaaradda Difaaca, Xoghayaha Difaaca, anigoo siinaya xulashooyin,” ayuu yiri Townsend. “Waxaana u maleynayaa inaan xulashooyinkaas ku ilaalin doonno halka ay tahay inay ahaadaan, isgaarsiinta gaarka ah ee Xoghayaha Difaaca, sidaa darteed hoggaamiyeyaasha rayidka ah waxay fursad u leeyihiin inay go’aanadooda gaaraan ayuu yiri” taliyaha.

Townsend wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in sida ugu wanaagsan ee loola shaqeyn karo shuraakada Afrika ay tahay  wadashaqeyn, fool-ka-fool ah oo muddo gaaban gudahood ah.

“Runtii ma dafiri karno dib uga bixitaankeenii Soomaalida ee sida lama filaanka aheyd horaantii sannadkan ay soo bandhigtay khatar iyo murugo Marka, waxa aan isku dayeyno inaan sameyno waa inaan maareyno halistaas maadaama aan wali isku dayeyno inaan gacan ka geysano la-hawlgalayaasheena Afrika dhibaatooyinka ay la leeyihiin xagga amniga.”

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka joogay in ka badan 700 oo Askari, kuwaas oo Ciidamada dowladda Soomaaliya siin  jiray tababar mararka qaarna fulin jirah duqeymo lala beegsado Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...