Skip to content
  • Privacy Policy
  • ABOUT US
  • Contact Us
Wardeeqnews

Wardeeqnews

Wardeeq 24TV

  • Wararka
  • Caalamka
  • Xulka wararka
  • Barnaamijyada
  • Diinta
  • Home
  • Xulka wararka
  • Wararka
  • Markab Shidaal-Qodis ah oo Turkigu u Soo Diray Soomaaliya, Iskaashi Cusubna Muujinaya
Wararka
Weerar Cirka ah oo Lagu Baabi’iyay Gaari Miinooyin Siday oo ay wateen Al-Shabaab
Ciidamada Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa deegaanka Daarusalaam ee gobolka Sh/Dhexe ku duqeeyey gaari ay Alshab aab ku sideen miinooyin ay doonayeen inay jidadka geliyaan oo shacabka ku dhibaateeyaan iyo maleeshiyaadkii ku howlanaa dhagartaas.   Sida Sawirka ka muuqata gaariga ayaa Gabi ahaanba bas beelay madaama uumiinooyinsiday, La-taliyaha ugu sareeya Iiraan ayaa booqday...
  • Wararka

Markab Shidaal-Qodis ah oo Turkigu u Soo Diray Soomaaliya, Iskaashi Cusubna Muujinaya

Farxaan Yuusuf4 hours ago02 mins

Dawladda Turkiga ayaa si rasmi ah u soo ambabbixisay markabka weyn ee casriga ah ee loogu talagalay qodista saliidda ee lagu magacaabo Çağrı Bey, kaas oo ku soo jeeda biyaha Soomaaliya si uu halkaas uga bilaabo hawlgal lagu baarayo kheyraadka saliidda.

 

Markabkan ayaa maanta ka soo kicitimay dekedda Taşucu ee gobolka Mersin ee koonfurta dalka Turkiga, waxaana munaasabadda sagootinta ka qayb galay wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar.

 

Wasiir Bayraktar oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in Çağrı Bey uu yahay markabkii ugu horreeyay ee qodis ah oo ay dawladda Turkigu u dirto meel ka baxsan biyahooda, taas oo uu ku sifeeyay tallaabo taariikhi ah oo kor u qaadaysa iskaashiga labada dal.

 

Wuxuu intaas ku daray in markabku uu mari doono jid dheer oo ku dhowaad 45 maalmood ah, isagoo u soo dambayn doona dhanka Badweynta Atlantic-ga iyo xeebaha galbeed ee Afrika halkii uu mari lahaa marinka Suez, ilaa uu ugu dambayn ka soo gaaro dekedda Muqdisho.

 

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii uu horay biyaha Soomaaliya baaritaanno dhanka seismic-ga ah uga soo sameeyay markabka Oruç Reis.

 

Wasiirka Tamarta Turkiga ayaa rajo muujiyay in sannadka 2026 uu noqon doono sannad guulo laga gaaro daah-furka kheyraadka saliidda iyo gaaska, isagoo xusay in Turkigu uu ka go’an yahay inuu ballaariyo baaritaannada tamarta ee uu ka samaynayo gudaha dalkiisa iyo dibaddaba.

  • Muxuu Hamza Abdi Barre Kala Hadlay Ahmed Mohamed Islam Madobe iyo Said Abdullahi Deni? – Kulamo Xasaasi ah oo Isha Lagu Hayo**
  • Khamenei wuxuu cafis u fidiyay in ka badan 2,000 oo maxaabiis ah, mana jiraan kiisas la xiriira dibadbaxyada
  • Hay’adda badqabka ayaa ku boorisay shirkadaha diyaaradaha ee Midowga Yurub inay ka fogaadaan hawada Iiraan ilaa Maarso 31
  • Weerar Cirka ah oo Lagu Baabi’iyay Gaari Miinooyin Siday oo ay wateen Al-Shabaab

Tagged: Markab

Post navigation

Previous: Ramadaan 2026: Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday Muslimiinta inay arkaan dayaxa bisha Febraayo 17
Next: Midowga Afrika oo Si Kulul Uga Biyo-diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka maanta

Weerar Cirka ah oo Lagu Baabi’iyay Gaari Miinooyin Siday oo ay wateen Al-Shabaab

Farxaan Yuusuf20 minutes ago17 minutes ago 0

Midowga Afrika oo Si Kulul Uga Biyo-diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Farxaan Yuusuf3 hours ago 0

Soomaaliya oo Xubin ka Noqotay African Peer Review Mechanism

Farxaan Yuusuf9 hours ago 0