Tuesday, June 15, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Barnaamij-yada MASJID ku soo dumay dagaal-yahano Al-Shabaab ah kadib arrin ay sameeyeen

MASJID ku soo dumay dagaal-yahano Al-Shabaab ah kadib arrin ay sameeyeen

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa shalay subax xoog soonka uga furay dadka ku nool degaanka Warciise oo ku yaalla duleedka degmada Jowhar ee gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana halkaasi ka dhacay arrin la yaab ah. 

Dad goob joogayaal ah ayaa wardeeq news u sheegay in Al-Shabaab ay qasab biyo ku siiyeen dad soomanaa kadibna waxaa la isugu geeyay masjid cusub oo laga dhisay degaanka, kaas oo ka sameysnaa Bulkeeti. ama jajor

Masjidka oo bilooyin ka hor la dhisay ayaa dumay markii ay Takbiirta ka billaabeen Al-Shabaab, islamarkaana dad aan badneyn qasab loo geeyay si Salaada Ciidda ugu Tukadaan. 

Ilo wareedyo dadka degaanka ah ayaa sheegay in Masjidka uu ka dumay laba qeybood, waxaana wax ku noqday dhowr dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Arrintaan la yaab ku noqotay dadka degaanka waxaana aad looga hadal hayaa gobalka Shabeellada Dhexe, ayada oo dadka qaar ay ku tilmaameen mucjiso lagu tusayey Al-Shabaab in cidda ay shalay ciideen ay aheyd mid qaldan. 

Al-Shabaab ayaa shalay dadka ku nool deegaanada ay maamulaan ku amray inay ciidaan, kadib markii ay sheegeen in Bisha Shawaal laga arkay deeganao ka mid ah Hiiraan, Bakool iyo meelo kale oo ay joogaan Al-Shabaab, oo gaaraya illaa sideed goobood.

Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa laga ciiday maanta kadib markii la waayey cid sheegtay inay bisha aragtay, ayada oo dowladda federaalka ay amartay in shalay ay aheyd 30-ka Ramadaan, cidduna ay tahay maanta.

RELATED ARTICLES

Deni oo sheegay inay kordhinayaan la dagaalanka Al-Shabaab & Daacish

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo Maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kal-fadhiga 48aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka hadlay xaaladaha amni...

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la weeraray

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Uganda oo ka...

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay qaraxa

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Afaafka hore ee Xerada Tababarka Janeraal Dhegabadan ee Warshaddda Nacnaca oo...

Facebook Feed

Twitter Feed