Wednesday, September 22, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Mas’uul Ka Tirsan Gobolka Banaadir Oo Lala Eegtay Qarax Khasaaro Geystay

Mas’uul Ka Tirsan Gobolka Banaadir Oo Lala Eegtay Qarax Khasaaro Geystay

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka hotel Guuleed ee degmadaas, kaasi oo jugtiisa laga maqlay. magalada mugdisho

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu ahaa miino dhulka la geliyay oo lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiilow.

Guddoomiye Cabdullaahi ayaa ka badbaaday qaraxaas lala beegsaday gaarigiisa, xili uu marayay Hotelka Guuleed, hayeeshee waxaa  khasaaro oo ka dhashay dhaawac ah oo soo gaaray qaar kamid ah Ilaaladiisa.

Inta la xaqiijiyay saddex Askari oo la socday Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada Yaaqshiid ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad.

Intaas kadib ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo xiray wadada, kadibna sameeyay baaritaano kooban, wallow markii dambe ay wadada fureen oo halkaas isaga tageen, lagana qaaday gaariga la qarxiyay.

Qaraxaas dhacay ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo barqanimadii Maanta qaraxa miino degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir lagula eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen shaqaale ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo waday wacyi-gelinta Cudurka halista ah ee COVID-19.

RELATED ARTICLES

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bananbax Uu Iclaamiyay WasiirKa Cusub Ee Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda SoomaaliyaAbdulaahi Maxamed nuurWasiirka Amniga ee uu dhawaan ...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciid oo kuyaal gobolka gedo

xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa lagu soo waramayaan in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihiin degmada...

Xaaska M/weyne Erdogan oo shaacisey inaanay weligeed u ooyin siday u oyday markay Somalia Tagtay

Marwada koowaad ee Turkiga, Emine ErdoganEmine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku...

Twitter Feed