Friday, September 17, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Masuuliyiin ka socda dawlada soomaaliya oo gaadhey garoowe+ujeedada.

Masuuliyiin ka socda dawlada soomaaliya oo gaadhey garoowe+ujeedada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Duraan Axmed Faarax iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wasiir Duraan Faarax oo safarkiisa ku wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo xubno kale ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah Puntland.

Ujeedka wafdiga dowladda ee Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Munaasabadda xuska sannad-guurada 23-aad ee aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-ka bisha Agoosto.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoona xusay inuu ka qeyb geli doono Munaasabadda sannad-guurrada 23-aad ee dhaceysa.

“Puntland oo lagu dhisay wada-tashi iyo is-afgarad Bulsho , waxay Bulshada Soomaaliyeed u noqotay hoy nabadeed, oo markii dambe fure u noqotay dib u dhiska Dawladnimada Soomaaliya. Waxaan u mahadcelin mas’uuliyiinta iyo qeybaha kale ee maanta na soo dhaweeyay” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa maalinta berri ka dhaceysa Munaasabadda sannad-guurada aas-aaskii Maamulka Puntland ee 1-da Agoosto, isla markaana waxaa socda diyaar garoow ku aadan Munaasabadda dhaceysa.

RELATED ARTICLES

Jabuuti oo shaacisay in diyaaradii uu saarnaa Fahad Yaasiin dib ugu celiyeen Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhmaan rakaabkii saarnaa Diyaaradda Turkish Airweys dib ugu celiyeen dalka Turkiga.Diyaaradaas oo wada...

Xukumada Somalia oo shaacisay in Fahad Yaasiin lagu xanibay Garoonka Jabuuti

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya sigaar ahna uga howlgalla Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha...

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaa ku guuldareystay inay ka soo laabtaan Tigray, UN ayaa sidaas sheegtay

Boqolaal baabuur oo gargaar ah ayaan ka soo laaban gobolka Tigrey ee uu dagaalku ka dhacay ee Itoobiya, waayitaankooduna waa “caqabadda koowaad” si kor...

Twitter Feed