Thursday, December 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka Maxaa ka Cusub Xiisaha Manchester United ee Xidiga Eduardo Camavinga ( Sport...

Maxaa ka Cusub Xiisaha Manchester United ee Xidiga Eduardo Camavinga ( Sport Witness )

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inaysan wali wadahadalo suuqa kala iibsiga ah la yeelan Eduardo Camavinga inkastoo la isla dhexmarayo mustaqbalka xiddiga qadka dhexe ee Rennes .

18 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee France waxa uu dhacayaa xagaaga soo aadan, Man United ayaana si aad ah loola xiriirinayay adeegiisa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Da’yarka ayaa hore 82 kulan ugu saftay kooxda koowaad, halka uu saddex jeer u saftay kooxda weyn ee Faransiiska.

Sida laga soo xigtay Sport Witness , inkasta oo la isla dhexmarayo in ciyaaryahanka khadka dhexe uu u dhaqaaqayo Old Trafford, weli ma jiro wax wada hadal ah oo suuqa kala iibsiga ah oo uu la yeeshay kooxda Ole Gunnar Solskjaer .

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in Camavinga aysan u badneyn inuu ka tago Rennes xagaagan, taasoo la micno ah inuu beeca xorta ah ku bixi karo bisha Juun ee soo aadan, iyadoo Real Madrid ay sidoo kale isha ku heyso horumarka.

Man United ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso inay la soo saxiixato xiddig cusub oo khadka dhexe ah suuqa hadda jira, laakiin Paul Pogba ayaa hadda u muuqda inuu sii joogi doono kooxda, iyadoo Paris Saint-Germain ay dareenkeeda u weecisay Lionel Messi

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...