Sunday, June 13, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maxaa Kiiney in Taliye Xijaar oo shaaciyay amar ku socda Saraakiisha &...

Maxaa Kiiney in Taliye Xijaar oo shaaciyay amar ku socda Saraakiisha & Ciidamada Booliska ?

Iyada oo mararka qaar ay jirto cabasho Shacaba ku nool Magaalada Muqdisho ay ka cabanayaan Ciidamada ku sugan Baraha Koontorool ee laga soo galo Magalada Muqdisho iyo kuwa ku yaal gudaha Magaalada ayaa waxaa arrintaasi ka jawaabay taliyaha Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee ku sugan baraha Koontorool ee Magaalada Muqdisho looga baahan yahay inay si wanaagsan ula dhaqman dadka Shacabka ah.

” Ciidanka Booliska meel kasta oo uu joogo waxaan amrayaa inay shacabka wakiilka ka yihiin si wanagsan ula dhaqmaan, suuqa, Koontoroolada, saldhigyada, laamiyada, Boolisku wuxuu yahay ilaaliyaha Shacabka ayuu yiri” Taliye Xijaar.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Ciidamada ay u naxariistaan dadka Shacabka ah, gaar ahaan kuwa da’da ah iyo Dumarka wadooyinka isticmaalaya.

RELATED ARTICLES

Booliska Gobolka Bari oo Fagaaro ku gubay Khamri farabadan

Ciidamada Booliiska Gobalka Bari ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay dhalooyin ay ku jiraan maandooriyaha Khamriga oo horay ciidamada ay howlgal ku qabteen. Maxkamadda...

Puntland oo sheegtay in howlgal lagu lagu qabtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee maamulka puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare ) ayaa sheegay in howlgal Ciidamada amaanka ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo lagu soo...

Duulimaadyadii Soomaaliya & Kenya oo dib u bilaawday

Kadib markii muddo bil ah ay hakad kujireen duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo sabab u ahaa khilaafka labada dowladood ayaa Maanta oo Axad...

Facebook Feed

Twitter Feed