Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maxay Uga Hadleen Kulan Dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo James Swan?

Maxay Uga Hadleen Kulan Dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo James Swan?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan.

Kulanka dhexmaray Rooble iyo James Swan ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saaray howlaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dalka ee Ra’isul Wasaaraha hogaaminayo, dhameystirka guddiyada doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in waqtiga doorashada aan dib u dhac ku iman  balse ay ku xeeran oo kaliya yihiin duruufo u baahan in dhamaan ay gacan ka geystaan dardargalintooda.

Kulanka uu Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddiga Farsamada Doorsashooyinka ee dhawaan uu magacaabay Ra’isul Wasaaruhu, kuwaas oo ka shaqeyn doono arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Rooble, si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Waxa kulanka sidoo kale looga hadlay sida leysaga kaashan karo taageeridda dadka ku waxyeeloobay daadadka deegaanada Hirshabelele oo uu Ra’isul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in si dhaqso ah kaalmo lala gaaro dadka tuulooyinka ay barakaciyeen daadadka Wabiga Shabeelle.

Qodobada kale ee si weyn looga hadlay waxa ka mid ahaa Amniga iyo Caddaalada iyo shaqooyinka culus ee la xiriira amniga doorashooyinka taas oo sida ku caddeyd Hishiiskii 27 May ee ahaa in la dhiso Guddi Amni oo ka 9 xubnood oo Ra’isul Wasaaruhu hogaaminayo kuwaas oo isugu jira dhinacyo kala duwan.

Ugu dambey kulanka Ra’isul Wasaare Rooble iyo James Swan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay cudurka Coronavirus iyo sidii loo dardargalin lahaa tallaalka COVID-19,  loona sameyn lahaa wacyi galin ballaaran iyadoo hoosta laga xariiqay in si guud dadka loo gaarsiiyo tallaalka maadaama ay dhici karaan Hirar iyo laba kacleyn caabuqa Coranavirus.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed