Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta Ku Riday Rag Dhac Ka Geystay Magaalada Muqdisho

0
99

Maanta oo talaado ah xukun ku riday rag lagu helay inay falal dhac ah ka geysteen gudaha Magaalada Muqdisbo, kuwaasi oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Raggaan oo laba ah oo midka ugu horreeyo lagu magacaabo Cabdifitaax Cali Cumar ayaa Maxkamadda kahor qirtay in fal burcadnimo ah uu dad uga qaatay telefoono gacanta iyo waxyaabo kale, isagoona sheegay in qaabka dhaca u geysan jiray uu kasoo miin-guuriyay filim Hindi ah uu daawaday.

Cabdifitaax Cali ayaa sheegay inuu wadan jiray Gaari nooca raaxada ah, isla markaana uu dadka ku dhici jiray qaab farsameysan oo u gaar ah, isla markaana uu dumar farabadan uga qaatay teleefoono gacanta iyo agabyo kale oo dumarka qaatan.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here