Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maxkamadda Ciidamdada Millateriga Somaliland Ayaa Xukun Adag Ku Riday Korneyl Jaamac Doolaal+

Maxkamadda Ciidamdada Millateriga Somaliland Ayaa Xukun Adag Ku Riday Korneyl Jaamac Doolaal+

Korneyl Jaamac Doolaal oo ka tirsanaa Saraakiisha Millateriga Somaliland, kadib markii ay la xiriirisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida ay ogaatay wardeeq news, waxaa Korneyl Jaamac Doolaal ay maxkamaddu ku xukuntay labo sanno oo xabsi millateri ah.

Eedeymaha loo cuskadaya xukunka maxkamadda ayaa waxay ku qotomeen inuu xiriir dhanka telefoonka ah la sameeyay shaqsiyaad jooga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, midaasi oo ay maxkamadu ku tilmaamatay dembi, sida ay saraakiil sarre u sheegen wardeeq news.

Maxkamadda ayaa u aragta in Korneylka uu dambi ka galay Somaliland, maadama uu xiriir la sameeyay shakhsi jooga Soomaaliya, waxayna wararka aan helayno sheegayaan inuu Dolaal kala hadlay shaqsigaas arrimo qoys oo keliya.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa eedeyn hore loogu soo jeediyay Korneylka oo sheegayay inuu ku kacay khiyaamo qaran iyo kacdoon ciidan, kadib markii ay maxkamaddu cadeyn kari weyday cod lagu sheegay sir oo ay kusoo eedeysay xeer ilaalinta ciidanka Somaliland.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili muddooyinkii dambe dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamo si qarsoodi ah uga qoraneysay deegaano ka tirsan Somaliland

Ilo wareedyo dhawana la hadlay wardeeq news ayaa sheegay in ciidamada ay dowladda ka qoraneyso Somaliland ayaa xogtooda aad loo qariyay, waxayna xiligan laga diiwaan-geliyay magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Tirada ciidankaas oo aan si rasmi ah loo heynin ayaa la sheegay in la qoray laba jeer, oo markiiba ah la qoray ciidan aan ka yareyn 400-500 oo askari, waxaana bilowgii ciidanka la qoray ayaa kamid noqday kumanaanka askari ee loo qaaday dalka Eritrea, halka bilo ka horna la qoray kuwa kale oo aan la sheegiin halka la geeyay, waxaase la xaqiijiyay in loo qortay ciidannimo.

Dhalinyarada Tababarka loo qaaday ayaa qaarkood la sheegay in lagu tababaro meelo kale oo kamid ah gobalada dalka halka qaar kalane loo qaado dalka dibadiisa.

Lama oga in dowladda federaalka ciidamadaas u tababarayso qalalaase laga abuuro Somaliland iyo in loo qortay kamid noqoshada ciidanka dowladda Soomaaliya, hase yeeshee odayaasha degaanka ayaa sheegay inay walaac ka qabaan.

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...