Tuesday, January 25, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Xukun ku Riday Rag Ajnabi ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Xukun ku Riday Rag Ajnabi ah

Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa Maanta shan Sano oo xarig ah ku Xukuntay Matt Bryden Milkiilaha Hay’adda Sahan research, kaas oo maxkamadeyntiisa soo martay heerar kala duwan.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Cabdikhadar Maxamed Xasan oo Warbaahinta u Akhriyay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamadda ay wax dambi ah ku weeysay 5 kale oo ka tirsan Shaqaalaha Hay’adda esearch.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadkaan maanta xukunka lagu riday oo dhamaantood Ajaanib ah ay yihiin maqanayaal.

Raggan ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa ay horay ugu yeertay inay Maxkamadda hor-yimaadaan 15-kii Bishii Apriil ee sanadkaan, balse ay tegi waayeen, iyada oo qareeno u dooda loo qabtay, balse ugu dambeyn Maanta xukun lagu riday.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay Milkiilaha Hay’adda Sahan research Matt Bryden u jeedisay eedeyn kala duwan, waxaana dalka Soomaaliya inay ka Shaqeeyso laga mamnuucay 18-kii Bsihii December ee sanadkii 2018-kii.

RELATED ARTICLES

Booliiska London ayaa baaraya xafladaha xiritaanka ee guriga Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska

Adeegga booliiska magaalada London ayaa furay baaritaan ku saabsan suurtagalnimada jebinta xirida COVID-19 ee guriga Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson's Downing Street ka dib...

Xaakimka New York wuxuu meesha ka saaray amarkii maaskaro COVID ee gobolka

Garsooraha gobolka New York ayaa meesha ka saaray amar u baahnaa xirashada waji-xidhka meelaha dadku isugu yimaado si looga taxadiro COVID-19, isaga oo xukumaya...

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ayaa maalintii shalay madaxwaynaha Somaliland u gudbiyay waraaq ay kaga hadlayeen arimo badan oo ay ka mid yihiin Doorshooyinka madaxtooyada iyo...