Wednesday, September 22, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Midowga Musharaxiinta oo ka tacsiyeeyay gaarida ku timid Madaxweynihii hore ee dalka

Midowga Musharaxiinta oo ka tacsiyeeyay gaarida ku timid Madaxweynihii hore ee dalka

Shariif Sheekh Axmed Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka uu ahaa hoggaamiye ku sifoobay nabadoonimo, dadaal badan ku bixiyay in Soomaaliya ay hagaagto.

War kasoo baxay Shariif ayaa sidaan u qornaa:

INAA LILLAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyoodey.

Wuxuu dalka usoo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo.

RELATED ARTICLES

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bananbax Uu Iclaamiyay WasiirKa Cusub Ee Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda SoomaaliyaAbdulaahi Maxamed nuurWasiirka Amniga ee uu dhawaan ...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciid oo kuyaal gobolka gedo

xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa lagu soo waramayaan in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihiin degmada...

Xaaska M/weyne Erdogan oo shaacisey inaanay weligeed u ooyin siday u oyday markay Somalia Tagtay

Marwada koowaad ee Turkiga, Emine ErdoganEmine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku...

Twitter Feed