Mohamed Abdullahi Farmaajo, Said Abdullahi Deni iyo Ahmed Mohamed Islam oo Wada Tashiyo Xasaasi ah ka Yeeshay Arrimaha Doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), iyo madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulan ay kaga wada hadleen doorashooyinka soo socda ee dalka.

 

Qoraal uu Farmaajo ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu la yeeshay labada hoggaamiye kulan wada-tashi ah, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray hannaanka doorashada iyo ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan dalka.

 

“Kulankaasi waxa uu si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay wada-tashi dhab ah oo looga gudbo caqabadaha taagan” ayuu Farmaajo ku yiri, qoraalka.

 

Hoggaamiyeyaashu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay, si looga fogaado hubanti la’aan siyaasadeed iyo khataro amni.

 

Farmaajo ayaa sidoo kale soo dhoweeyay imaanshaha Deni iyo Axmed Madoobe ee Muqdisho, isagoo ku dhiirrigeliyay dadaallada lagu raadinayo xal qaran oo waara. Kulanka waxaa lagu adkeeyay in wada-tashigu yahay waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka doorashooyinka.

 

Dhanka kale, qoraalada ay soo saaren labada Dowlad Goboleed, waxaa lagu caddeeyay inuu kulanku dhacay basle lama faahfaahin waxa looga hadlay.

 

Kulankan ayaa imanaya xilli Deni iyo Axmed Madoobe ay Muqdisho u yimaadeen ka qaybgalka gogosha wada-tashiga ee ay fidisay Villa Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin waqtiga ay gogoshu qabsoomi doonto.

 

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in Farmaajo aanu qayb ka ahayn madasha wada-tashiga ee u dhaxaysa madaxda dowlad-goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *