Friday, January 28, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Mucaaradka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Go'aankii Lagu Joojiyey Banaanbixii Maanta Ka Dhici...

Mucaaradka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Go’aankii Lagu Joojiyey Banaanbixii Maanta Ka Dhici lahaa Muqdisho…….

Golaha Mucaaradka soomaaliya ayaa ka jawaabay go’aankii dib loogu dhigay dibad-bax looga soo horjeeday isku daygii afgambi ee 27-ka December oo maanta ka dhici lahaa Muqdisho.

Ugaas Maxamuud ugaas Cali, Oo ah Ugaaska beelaha Mudullood, ayaa shalay sheegay in la joojiyey banaan-baxa kadib markii ay heshiis la gaareen Golaha Bulshada rayidka Ee Banaadir Oo Iyagu qaban qaabinayey Banaanbaxa.

“Maanta waxaan u nimid wiilashii loo xil-saaray qaban qaabada banaan-baxa, waa la fariisanay waqti badan ayaan qaadanay, waxaan ku faaneynaa in soo jeedinteenii ay nala qaateen, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer koofurta, dhaqankooda ma maqlaan ayaa la dhihi jiray, laakiin maanta marqaati waxaan ka nahay in wiilasheena ay aad noo aqbaleen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga mahadceliyey Golaha Bulshada Banaadir (GBB) aqbalka codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Midowga Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo mudaaharaadkii uu Golaha Bulshada Banaadir qaban lahaa maanta oo ah Khamiis 13/01/22.

“Goluhu wuxuu cambaaraynaa hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee fal danbiyeed ku tilmaamay mudaaharaadka, oo ah xaq dastuuri ah, sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Goluhu wuxuu adkeynayaa in mudaaharaadku yahay xaq dastuuri ah, shacabka Gobolka Banaadirna ay xilli kasta mudaaharaadi karaan.”

Dhinaca kale, Golaha ayaa uga mahadceliyey Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble in ay gudatay waajibkii kaga aaddanaa muddaaharaadka.

“Goluhu wuxuu mar kale ku adkaynayaa Xukuumadda in ay ilaaliso xuquuqda muwaadinka, xilna iska saarto furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda mudaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka iyo in warbaahinta qaranka oo loo oggolaado Musharrixiinta.”

 

RELATED ARTICLES

Xiisadda Ukraine: Ruushku waxay rajeynayaan nabad sida wadahadalka adduunka ee dagaalka

Magacyada hore oo kaliya ayaa loo adeegsaday xaaladaha qaarkood si loo ilaaliyo aqoonsiga. Ma jiro qof Ruushka jooga oo raba dagaal, ayay tidhi Ekaterina,...

Jarmalku waxa uu saynisyahan Ruush ah ku tijaabiyay basaasiinta tignoolajiyada hawada sare

Saynisyahan Ruush ah oo ka shaqaynayay jaamacad Jarmal ah oo sannadkii hore loo xidhay basaasnimada Ruushka ayaa la wadaagay macluumaadka ku saabsan barnaamijka gantaalaha...

Musk gantaal hawada sare ah oo ku socda koorsada isku dhaca dayaxa

Qayb ka mid ah gantaalada SpaceX ee qarxiyay todobo sano ka hor oo hawada sare lagaga tagay ka dib markii uu dhamaystay hawshiisa ayaa...