Friday, January 28, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Mumulka-Puntland oo Maanta qabaneysa Shir lagu dhex dhexaadinayo Beelo dagaalamay

Mumulka-Puntland oo Maanta qabaneysa Shir lagu dhex dhexaadinayo Beelo dagaalamay

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Shirweyne lagu dhex-dhexaadinayo laba maleeshiyo Beeleed oo dahaalamay in uu ka furmo degaanka Saax-meygaag oo ka tirsan Gobolka Sool, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo Beeleed.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag, ayaa dadaal ku bixinaya nabadeynta beelaha dagaalamay, iyaga oo shalay ku guuleystay in la sameeyo xabad joojin kadibna loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo Beelaha dirirtu dhexmartay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah ee Maanta furmaya, kaasi oo ay kawada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Dagaalka degaanka Saax-meygaag ayaa ah mid soo laab laabtay, waxaana guuldareystay heshiisyo dhowr jeer la kala dhex-dhigay labada maleeshiyo Beeleed oo isku heystay dhul kuyaalla degaanka.

RELATED ARTICLES

Xiisadda Ukraine: Ruushku waxay rajeynayaan nabad sida wadahadalka adduunka ee dagaalka

Magacyada hore oo kaliya ayaa loo adeegsaday xaaladaha qaarkood si loo ilaaliyo aqoonsiga. Ma jiro qof Ruushka jooga oo raba dagaal, ayay tidhi Ekaterina,...

Jarmalku waxa uu saynisyahan Ruush ah ku tijaabiyay basaasiinta tignoolajiyada hawada sare

Saynisyahan Ruush ah oo ka shaqaynayay jaamacad Jarmal ah oo sannadkii hore loo xidhay basaasnimada Ruushka ayaa la wadaagay macluumaadka ku saabsan barnaamijka gantaalaha...

Musk gantaal hawada sare ah oo ku socda koorsada isku dhaca dayaxa

Qayb ka mid ah gantaalada SpaceX ee qarxiyay todobo sano ka hor oo hawada sare lagaga tagay ka dib markii uu dhamaystay hawshiisa ayaa...