Sunday, January 23, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Muran ka taagan furitaanka Kulanka Golaha Wakiilada Somaliland

Muran ka taagan furitaanka Kulanka Golaha Wakiilada Somaliland

Waxaa Maanta uu buuq hareeyay furitaanka Kulanka Golaha Wakiilada Soomaaliland kadib markii qaar kamid ah Golaha Wakiilada ay diideen inay Gudaha u galaan Xarunta.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland oo isugu jira Muxaafid iyo mucaarad ayaa isku khilaafsan Ajandaha Maanta kulanka ee ah furista ururada siyaasada Somaliland oo shalay Xukuumaddu sheegtay inay furan yihiin.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in gacan ka hadal uu dhexmaray laba kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Maxamed Khadar iyo Xildhibaan Khadar Guun.

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaja Wakiilada Somaliland  gaar ahaan kuwa muxaafidka ayaa sheegay inaanay saaka gudaha u galayn Xarunta fadhiga golaha, iyaga oo ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif inuu Sharcigii Golaha aftuubtay.

RELATED ARTICLES

Diyaaradda Airbus ayaa baabi’isay heshiis dhan 6 bilyan oo dollar oo ay kula jirtay Qatar Airways kadib dagaal rinji ah

Airbus ayaa kansashay heshiis ay Qatar Airways kula gashay $6bn oo ah 50 ka mid ah diyaaradaheeda cusub ee A321neo ee rakaabka ah, taasoo...

Mareykanka ayaa hakiyay duullimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha xamuulka qaada ee Shiinaha ka dib markii ay dhaqaaqday Beijing COVID

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojineyso 44 duullimaad oo Shiinaha ka imaanayay Mareykanka oo ay wadeen afar shirkadood oo Shiinees ah, taasoo jawaab u...

Banaanbax lagu taageerayo qadiyada Somaliland oo gobolka Sanaag ka dhacay.

Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo ayaa saaka isku soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada Somaliland iskugu baxay waxaana kala...