Biixi 780x470 1 - Wardeeq news

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay Xubno ka socday Beesha Caalamka, safarna ku jooga magaaladaasi.

Xubnahan ka socday Beesha Caalamka ayaa waxaa kamid ah safiirrada dalalka Norway, Sweden, Finland, Denmark iyo Midowga Yurub iyo madaxa xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Hargeysa oo ay weheliyaan masuuliyiin sarsare oo ka socda safaaradda Jarmalka iyo xafiiska horumarinta ee UK.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland, xaaladda abaareed ee dalka ku sii baahaysa, Qorshaha Horumarinta Qaranka ee saddexaad (NDPIII), iyo doorka beesha caalamku ka geysan karaan fulinta qorshahaasi, arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika iyo kaalinta Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay.

Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo wadashaqayn in sannadkani lagu hawl-galo lana dardar-geliyo hawluhu siday u kala muhiimsan yihiin una kala mudan yihiin.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Safiirka Somaliland ee Kenya.

Verified by MonsterInsights