Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan wadajir ah oo xogtiisa aad loo ilaaliyay la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee ka dhex jirta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Xamsa Cabdi iyo Axmed Madoobe xiriir wanaagsan muddo dheer kama dhex jirin, waxa ay marar kala duwan is dhaafsadeen hadallo sii xumeeyay cilaaqaadkoodii oo markii hore sii xumeed sida ay wararku sheegayaan.
Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa intaas kaddib la kulmay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland oo uu kala hadlay sidii Dowlad-Goboleedkaas iyo Xukuumaddiisa ay uwada shaqayn lahaayeen.
Kulankaan ayaa la qorsheeyay in uu dhexmaro Xamsa iyo hoggaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland habeenkii Khamiista balse waxaa ku yimid dib u dhac ka gadaal markii madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare hore Maxamed Xuseen Rooble loo diiday in ay galaan Xalane, taas oo keentay in Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqasho ugu tago labadaan mas’uul, lana xaliyo tabashooyinka ay qabeen.
Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa Magaalada Muqdisho u jooga ka qaybgalka shirka Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka ay ku ballansan yihiin, waxa ay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe wadaan kulamo gaar gaar ah.




