Monday, October 18, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Muxuu yahay dambiga loo haysto eedeysanaha ay raadinayaan BOOLISKA?

Muxuu yahay dambiga loo haysto eedeysanaha ay raadinayaan BOOLISKA?



Booliska Soomaaliya ayaa billaabay baadi goobka eedeysane la sheegay inuu baxsad ka yahay gacanta Booliska kaasoo loo heysto dambi dil ah, sida ay ogaatay wardeeq news

Eedeysanaha uu booliska baadi goobayo ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan, waxaana loo maleenayaa inuu ku sugan yahay dhulka Soomaalida iyo deegaanada Soomaali Galbeed ee Itoobiya.

Booliska ayaa Shacabka iyo maamulada ka jiro deegaanada Soomaalida iyo kuwa dariska la ah Soomaaliya ka codsaday inay booliska kusoo war geliyaan haddii eedeysanahaan lagu arko deegaanadooda.

Booliska ma sheegin dambiga uu galay eedeysane Cabdixakiim Cabdisalaan Aadan, hase yeeshee wardeeq news  ayaa ogaatay in lagu tuhmayo dil ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana baadi goobkiissa lagu faafiyey dhammaan warbaahinta Dowladda iyo baraha Bulshada.

Halkaan hoose ka akhriso farriinta ay soo qoreyn Booliska

Wanted. (Eedeysane Baxsad ah).

Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo Deegaanada Soomaali Galbeed, waxaa laga Codsanaya in ay nagala qeyb qaataan baadi-goobka eedeysane Cabdi Xakiim Cabdisalan Aadan,  kaas oo Sawirkiisa halkaan idinkaga muuqdo.

Cidii aragta hanagala  so xiriirto tel 991 gudaha dalka ama baraha bulshada, iyada oo macluumaadkiisa loo gudbinayo xarumaha Boliiska ee kuugu dhaw, ama xiriirada Baraha bulshada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed



RELATED ARTICLES

Weerar Xoogan Oo Lagu Qaaday Ciidamo Ka tirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Gobolka bari ayaa waxa ay kusoo waramayaan in subaxnimadii hore ee saka weerar culus lala beegsaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku...

Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda gaar ahaana Guutada 10-aad  Ururka 50-aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay howlgalo balaaran ka...

Dilka Xildhibaan lagu dilay UK oo lala xariiriyay nin kasoo jeedda Soomaaliya

Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay. Booliska ayaa sheegay in...