Friday, January 28, 2022

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay in lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo hey’adda NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in howlgalka uu bartilmaameedkiisu ahaa 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, balse ay Ciidamadu dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa  Al-Shabaab kuwaasi oo ay NISA sheegtay in ay khal-khal ku hayeen amniga magaalada Muqdisho.

“Howlgal gaar ah ayaa lagu beegsaday 15 sargaal oo Maafiyada AS u qaabilsanaa khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ma shaacin degaanka rasmiga ah ee howlgalka laga fuliyay iyo Magacyada Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab oo ay sheegeen inay howlgalka ku dileen.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA waxaa ay howlgallo ka dhan ahaa Al-Shabaab ka fulinayeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana dhawaan howlgal laga fuliyay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa lagu qabtay keydkii hubka qaraxyada laga sameeyo oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

Xiisadda Ukraine: Ruushku waxay rajeynayaan nabad sida wadahadalka adduunka ee dagaalka

Magacyada hore oo kaliya ayaa loo adeegsaday xaaladaha qaarkood si loo ilaaliyo aqoonsiga. Ma jiro qof Ruushka jooga oo raba dagaal, ayay tidhi Ekaterina,...

Jarmalku waxa uu saynisyahan Ruush ah ku tijaabiyay basaasiinta tignoolajiyada hawada sare

Saynisyahan Ruush ah oo ka shaqaynayay jaamacad Jarmal ah oo sannadkii hore loo xidhay basaasnimada Ruushka ayaa la wadaagay macluumaadka ku saabsan barnaamijka gantaalaha...

Musk gantaal hawada sare ah oo ku socda koorsada isku dhaca dayaxa

Qayb ka mid ah gantaalada SpaceX ee qarxiyay todobo sano ka hor oo hawada sare lagaga tagay ka dib markii uu dhamaystay hawshiisa ayaa...