Monday, October 25, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Sports-ka Paul Pogba oo aad ugu dhow inuu baahiyo go’aanka mustaqbalkiisa… (Miyuu ka...

Paul Pogba oo aad ugu dhow inuu baahiyo go’aanka mustaqbalkiisa… (Miyuu ka tagayaa Manchester United?)

Xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara naadiga Manchester United ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu aad ugu dhow yaha inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa si uu ula sii joogo.

Kubbad qaabeeyaha xulka qaranka Faransiiska ayaa maalmihii dambe si aad ah loola xiriirinayay ka tagista Old Trafford iyadoo ay xiiso u muujinayeen kooxaha Real Madrid, Juventus iyo Paris Saint-Germain, hase ahaatee, Pogba ayaa qaatay go’aan kaas ka duwan.

28-sano jirkan ayaa diyaar u ah inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Red Devils isla markaasna uu saxiixo qandaraas cusub oo loogu kordhinayo mushaharkiisa inkastoo warkaani uusan rasmi ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska uu Pogba kula joogo Manchester United ayaa dhici doona xagaaga dambe, haddii ay kooxda reer England aqbali weyso rabitaankiisana waxay halis ugu jirtaa inay xagaagan iibiso ama uu bilaash kaga tago 12 bilood kaddib.

RELATED ARTICLES

Xukumada Somaliland oo dad horleh kasoo musaafurineysa degaanadeeda

Ciidamada Amaanka Ee Somaliland ayaa Saaka Magaaladda Ceerigaabo ka Bilaabay howlgal looga saarayo Magaalada dadka aan u dhalan Deegaankaasi ee ka soo jeeda Koonfurta...

faah faahin laga helayo Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal  geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo...

Facebook ayaa ku guuldareysatay inay hubiso hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah ee Hindiya: Warbixin

Facebook-ga Hindiya wuxuu doorbiday inuu xakameeyo hadallada nacaybka, wararka khaldan iyo qoraallada kiciya-gaar ahaan waxyaabaha ka soo horjeeda Muslimiinta-sida ku cad dukumiintiyada la dusiyey...