Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Puntland oo Ciidamo farabadan geeysay Degmo ka tirsan Gobolka Sanaag

Puntland oo Ciidamo farabadan geeysay Degmo ka tirsan Gobolka Sanaag

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Puntland oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa gaaray degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, halkaasoo la qorsheeyay inay ka howlgalaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in Maamulka uu Ciidanka Booliska geeyay degmada Badhan, isla markaana ay yihiin Ciidankaas kuwo loogu tala-galay inay sugaan amniga Magaaladaas.

Sidoo kale Afhayeen Jaamac Dabaraani ayaa tilmaamay in Ciidanka ay qeyb ka noqonaan Ciidamada u taagan sugida amniga Gobolka Sanaag, isla markaana looga baahan yahay inay ka hortegaan wax kasta oo amni darro keeni karo.

Shacabka kunool Gobolka iyo Badhan ayuu Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ugu baaqday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego wax kasta oo amni darro, ayna labada dhinac si dhow iskula shaqeeyaan.

“Puntland waxay magaalada Badhan geysay Ciidamo Booliis ah oo tababaran agabkooduna u dhameystiranyahay, si ay u sugaan amniga degmada iyo guud ahaan Gobolka. Bulshada magaaladda Badhan iyo guud ahaan Gobolka Sanaag waxaan ka rajeynaynaa inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada” ayuu yiri Jaamac Dabaraani.

Ugu dambeyn Jaamac Dabaraani ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyey xasilinta siyaasadda Gobolka, tayeynta ciidamada iyo dhismaha xarumaha hay’addaha maamulkaas

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed