Thursday, October 28, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Puntland oo digniin culus u dirtay shaqaalaha QM

Puntland oo digniin culus u dirtay shaqaalaha QM

Dowlad goboleedka Puntland ayaa digniin adag u dirtay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ku sugan deegaanadeeda, kuwaasi oo qaarkood ay diideen inay bixiyaan canshuurtii, sida uu sheegay xeer ilaalinta Puntland.

Maxamed Xareed Faarax, Xeer ilaaliye ku-xigeenka Puntland oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay jiraan Afar qof oo kamid ah howl-wadeenada UN-ka oo diiday bixinta canshuurta ay ku waajabisay dowlad goboleedka Puntland, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka ayaa ku hanjabay in xubnahaas ay maxkamad horgeyn doonaan, haddii ay canshuurta ku bixin waayaan kama dambeyn 3-da bisha 4-aad ee 2021-ka, sidoo kalena waxa uu xusay inay jiraan 5 xubnood oo kale oo ayaguna aan weli bixin canshuurta oo ka tirsan UN-ka.

Afarta xubnood ee ay dowladda goboleedka Puntland ay sheegtay inay deg-deg u bixiyaan canshuurtooda, ayaa waxay ku kala sheegtay magacyadooda; Cabdinuur Xasan Axmed, Xersi Xuseen Nuur, Maxamed Cabdullaahi Farax, Nuuradiin Saciid Maxamed, dhamaantoodna waxay u shaqeeyaan hay’adda WHO oo kamid ah hay’addaha waaweyn ee UN-ka.

Ma aha markii u horeysay ee maamulka Puntland uu soo bandhigo magacyada xubno ka howl-gala Hay’addaha UN-ka oo ay ka dalbanayaan inay bixiyaan canshuurta, waxayna dhowr jeer oo hore xeer ilaalinta Puntland baahisay magacyada shaqaale ay sheegtay inaysan bixin canshuurta.

RELATED ARTICLES

Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka  Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Ciidamada...

Ciidamada Ahlusunna oo isaga baxay Guriceel

Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna  Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay. Ka...

Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo Warbixin siiyay Madaxweynaha KGS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gudiga Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Madaxweyne...