Monday, August 2, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Puntland Oo Maanta Xukun Ku Riday Rag La Sheegay Inay Ka Tirsan...

Puntland Oo Maanta Xukun Ku Riday Rag La Sheegay Inay Ka Tirsan Yihiin Al-Shabaab

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo howlgalo lagu qabtay.

Xubnaha la xukumay oo tirro ahaan gaaraya 8 Rag ah ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay fuliyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulka Galmudug.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa sheegtay in raggaan ay dhammaantood ka yihiin Al-shabaab, laguna helay debiyada lagu soo qabtay, iyadoona ku riday xukun dil toogasho ah.

Maxkamadda Puntland ayaa todobaad ka hor dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo lagu helay Shabaabnimo, iyadoo 18 kamid ah raggaas lagu toogtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Si kastaba Puntland ayaa horey u sheegtauy inay dagaal adeg la galeyso Al-shabaab iyo Daacish oo farriimo ku leh deegaano ka tirsan dhulka buuraleyda ah oo weeraro geysta khasaaro uga soo qaadan Saldhigyada Ciidanka Puntland.

RELATED ARTICLES

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Ciro oo Ka Hadlay Arrimaha Doorashooyinka

Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama...

Xiisad Ka Dhalatey kursiga Aqalka Sare ee Galmudug Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka...

Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada

shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabadii ugu...

Twitter Feed