Waxa uu sheegay xubnaha la sooqabtay in ay ahaayeen Shabakad isku xiran oo abaabulan kuwaas oo Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo la geystay dilal qorsheysan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray guddoomiyaha in xubnhaan muddo dheer lagu raad joogay balse ciidamada amaanka ay ku guuleeysteen ugu dambeen in ay gacanta kusoo dhigaan , Baaritaano kadibna sharciga la hor geyn doono.

Magaalada gaalkacyo ayaa dilal kala duwan loogu gaystay masuuliyiin ka kala tirsanaa Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo dad shacab ah, waxaana mas’uuliyada dilalkaas intooda badan sheegtay Al-Shabaab