Wednesday, September 22, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka QAAR KAMID AH SHAQAALAHA DAWLADA SOMALILAND OO LA FASAXAYO.

QAAR KAMID AH SHAQAALAHA DAWLADA SOMALILAND OO LA FASAXAYO.

Wareegto ka soo baxday Hay’adda Shaqaalaha dawlada ayaa ku amartay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladu inay fasaxaan mudo laba bilood ah Shaqaalaha laga maarmi karo si looga taxadiro faafitaanka xannuunka Dunida aafeyay ee Covid-19.

Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Jmahuuriyada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa waxa lagu yidhi sidan “Sidaad la socotaan waxaa imika inagu soo laba kacleeyay safmarka cudurka Covid-19 oo khatar nafeed iyo geeri koobsaday, Sidaa daryeed iyadoo maanka lagu hayo ahmiyada ay qaranka u leeyihiin shaqaalaha dawladu iyo in loo fekero xoojinta badqabka caafimaadkooda Sababtaas awgeed, waxaan halkan idinku wargelinaynaa;

1. In shaqaalaha u nugul safmarka covid-19 ee ay ku jiraan kuwa da’doodu wayn tahay, kuwa xanuunada la nool iyo kuwo caafimaad-koodu aan wanaagsanayn laga fasaxo goobaha shaqada oo guryahooda ku soo shaqeeyaan ilaa war danbe iyo talo aan ka helayno Wasaarada Caafimaadka.

2. In Shaqaalaha aan xil yo masuuliyad muhiim ah hayn ee looga maarmi karo shaqada, iyo shaqaale hoosaadka iyagana laga maarmi karo aad ku wargelisaan inay guryahooda joogaan mudo laba bilood ah, waxaana wasaarad iyo hayad kasta eegaysaa baahideeda shaqo hadba inta ay shaqaale fasaxayso.

3. Shaqaalaha dawlada inay soo xidhaan daboolka wejiga Lana soo celiyo faraxalki iyo dhamaan talaabooyinki ka hortaga, si loo xoojiyo badqabka iyo xaqiijinta caafimaadka shaqaalaha iyo guud ahaan dadka loo adeegayo si looga qayb qaato yaraynta faafista safmarka COVID-19.

4. In wixii agab iyo qalab caafimaad ah loo fududeeyo Lana siiyo ahmiyad gaar ah in loo soo iibiyo si joogto loogu isticmaalo goobaha shaqada.

By:Jim’ale ismail

RELATED ARTICLES

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hor Yimid Bananbax Uu Iclaamiyay WasiirKa Cusub Ee Amniga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu gaashaanka udaruuray Qorshe uu waday wasiirka amniga lagu muransayahay ee xukuumadda SoomaaliyaAbdulaahi Maxamed nuurWasiirka Amniga ee uu dhawaan ...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday saldhig ciid oo kuyaal gobolka gedo

xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa lagu soo waramayaan in tiro madaafiic ah ay ku garaaceen saldhig ciidamada kenya ay ku leeyihiin degmada...

Xaaska M/weyne Erdogan oo shaacisey inaanay weligeed u ooyin siday u oyday markay Somalia Tagtay

Marwada koowaad ee Turkiga, Emine ErdoganEmine Erdogan oo ah marwada koowaad ee dalka Turkiga, ayaa la filayaa in ay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku...

Twitter Feed